MAANHADAL
Maxaa ka soo baxay Shirkii Jihaynta Puntland? Waa mowduuca barnaamijka Maanhadal ee maanta | Khadar Cawl baa daadihinaya
2
views
VILLA SOMALIA IYO XATOOYO XOOLO DADWEYNE OO AAN XAD LAHAYN
Waa warbixintii Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib iyo fadeexad horleh oo taabaneysa musuqmaasuqa iyo maamul-xumida maaliyadeed oo ah mid aan hore loo arag oo maanta Villa Somalia ka taagan | Wariye Jamarti
1
view
MUQDISHO | Askari katirsan DFS oo qof shacab ah dilay iyo ehelka wiilka ladilay
MUQDISHO | Askari katirsan DFS oo qof shacab ah dilay iyo ehelka wiilka ladilay oo Dalbaday cadaalad.
1
view
NORWAY, IRELAND IYO SPAIN OO FALASTIIN DAL IYO DOWLAD U AQOONSADAY
Dawladaha Norway, Ireland, iyo Spain ayaa maanta qaaday tallaabo taariikhi ah ayaga oo go’aan ku gaaray inay Falastiin si rasmi ah ugu aqoonsadaan dowlad.
Laga bilaabo maanta, Dawladda Falastiin waxaa aqoonsan 146 dal oo kamid ah 193-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan saddexdaan waddan ee Yurub ee maanta Falastiin Aqoonsaday.
Ruushka iyo Shiinaha oo ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ayagu Falastiin u aqoonsan dawlad.
Dhanka Midowga Yurub, Falastiin waxaa aqoonsan Bulgaria, Hungary, Qubrus, Malta, Poland, Romania, Slovakia, Czech Republic, Sweden, iyo hadda Norway, Ireland, iyo Spain.
Inta badan wadamada Yurub ayaa xiriir diblumaasiyadeed la leh Falastiin balse uma aqoonsana dowlad ahaan.
Falastiin illaa iyo hadda ma lahan xubinnimo buuxda oo Qaramada Midoobay maxaa yeelay weli ma ay helin aqoonsiga saddex xubnood oo kamid ah Guddiga Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Hawlgalka Dawladda Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa soo saartay qoraallo loogu mahadnaqayo dawladaha iyo shacabka Norway, Spain iyo Ireland saaxiibtinimadooda taariikhiga ah, sida ay uga go'an tahay caddaaladda iyo xorriyadda, iyo xoojinta aqoonsiga, aayo-ka-tashiga iyo madax-bannaanida Falastiin.
Ergada Falastiin ee Qaramada Midoobay waxay qoraalkooda ku soo gunaanadeen "Maanta, rajada Falastiin waa soo cusboonaatay, berrina waxaa soo dhawaanaya nabadda."
Dhanka kale, halganka loogu jiro dowladnimada Falastiin ayaa weli ka socda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoo dhawaan la filayo in cod-qaad xubinimo buuxda uu ka dhaco Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo dhanyahay.
3
views
MUUSE BIIXI OO TAAGEERO KA HELAY ABIY AXMED AMREYNA WEERAR KA DHAN AH KHAATUMO
Laga soo bilaabo jabkii foosha xumaa ee Somaliland ay kala kulantay SSC-Khaatumo 25 August 2023, Muse Biihi waxa uu ku guda jiray hawlgal 9 bilood ah oo uu rabo in uu kaga aargoosto SSC, ku soo furto maxaabiis ka badan 600, oo uu hadana kaaga daran e uu rabo in uu mar kale la wareego magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool.
Siddeeddii bilood ee la soo dhaafay Muuse iyo Hoggaanka Ciidankiisu waxa ay wadeen dib u dhis iyo qalabayn ciidan iyagoo sidoo kale hubaynaya maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah, gaar ahaan Maleeshiyo beeleedka Habarjeclo, kuwaas oo u suurtagashay in Ciidanka Difaaca SSC-Khaatumo mashquuliyaan, si ay dhiirigelin ciidan ugu noqoto, qabiiladuna ay dagaal u sii diyaargaroobaan.
Iyadoo la wada ogyahay in Muuse Biixi uu dagaalkii Laascaanood ku waayey inta badan Taangiyadiisii iyo qoryijii cuslaa, ayaa haddana Daljir waxay ogaatay in Itoobiya ay siisay saddex taangi, ayna u dayactirtay ugu yaraan toddobo taanki oo kale oo aan awal shaqaynayn oo kala aha taangiyada T-54 iyo T-55 ama taangiyp lamid ah kuwa xilligii Sovietka. Itoobiyaanku Waxa kale oo ay ciidanka Muuse siiyeen rasaasta taangiyada, kuwa madaafiicda iyo inta badan rasaasta qoryaha culus.
Iyada oo dhammaan saraakiishii farsamayaqaanada Somaliland ee taangiyada, madaafiicda iyo kuwa hubka culus maxaabiis ahaan loogu haysto Laascaanood, ayaa Itoobiya waxay Muuse u tababartay farsamoyaqaanno iyo hawl-wadeenno cusub oo hubka culus.
Sida Abiy hore u shaaciyey, Itoobiya waxaa ka go'an inay la wareegto lahaanshaha xeebta Saylac sida Muuse lagula heshiiyey 1-dii Janaayo 2024 Heshiiskii Is-afgaradka ayaa sidoo kale Muuse ay ka go'antahay inuu asna la wareego lahaanshaha Laascaanood iyo gobolka Sool.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad uga liidato sideedii hore, meesha SSC-Khaatumo ay hormar baaxad weyn ka samaysay dhan kasta, siiba dhanka ciidamada iyo hubka
Itoobiya oo badi siyaadeeda ku salaysa waqtiga fog, si ay istaraataji ahaan uga faaiido, hadana waa mid door bideysa iyo waqti xaadirka SSC-Khaatumo laga adkaado, haddana su’aasha dad badani is weydiinayaan ayaa ah “Itoobiya aad ma ugu dhiirantahay qorshaha Muuse Biixi iyo mashruuca Somaliland?
Sida aan ka soo xiganay khubaro juquraafi-siyaasadeed oo Daljir la xidhiidhay, Itoobiya waxaa aad uga go’an inay Somaliland guulaysato; Mana aha Itoobiya oo keliya cidda ay ka go’an tahay in ay ku guulaysato mashruuca Somaliland ee hadda fashilmay, balse waa mashruuc qoto dheer oo ay wataan waddamo g
dano gaar ah ka leh Badda Cas iyo Bab el-Mandeb oo ay ka mid yihiin Israa’iil, Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska oo ay ka go’an tahay in la kala Jaro dalka Soomaaliya si ay u hantaan xeebaha istaraatiijiga ah ee badda cas ee Soomaaliya.
Haatana xaalka Sool iyo Togdheer waa mid u muuqda in Daqiiqad kasta ay Somaliland weerar ku soo qaado Khaatumo, waxaana ay Daljir heshay xogo lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Muuse Biixi uu ku xisaabtamayo weerar kedis ah oo ay wada qaadaan ciidankiisa iyo kan maleeshiyo beeleedku. Ciidamada ayaa la filayaa ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadaan Buuhoodle iyo Oog illaa Laascaanood, meesha la filayo in maleeshiyo beeleedku ay weerar kadis ku qaadaan tuulooyinka aan difaaca lahayn.
Haddaba suaashu waxay tahay
SSC-Khaatumo diyaar ma u tahay duullaan kedis ah oo Somaliland soo qaado? Su’aashaas ayaan waydiinay saraakiisha ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, waxayna Daljir u sheegeen in ciidamada difaaca SSC ay ku jiraan heegan sare, laga soo bilaabo Buqdhaarkeyn ilaa aaga Oog, balse waxay diideen inay shaaciyaan xog intaas ka badan.
5
views
DAADAD KUSOO ROGMADAY TOGGA WEYN EE GAROOWE
Daad xoogan oo ku soo rogmaday togga wayn ee Magaalada Garoowe ayaa saaka la tagay Gaari, waxa xayiran oo la joojiyay isku socdaka gawaarida yar-yar ee u kala gudbaha labada daraf ee Togga.
4
views
GAALKACYO | Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Sanadka 2024
Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee Sanadka 2024 waxaa lasoo gabagabaynayaa 22 ka bishan May, waxaa Tartanka kama danbaysta ah isugu soo haray labada Iskuul ee Boosaaso Public School iyo Maxamed Cawaale Secondary School-Boosaaso.
Haddaba qaar kamid ah shacabka Gaalkacyo ayaanu microphone ka la dhex qaadnay si ay aragti uga dhiibtaan Tartanka ay isku arkayaan labada Iskuul ee waaweyn.
2
views
MADAXWEYNE KU XIGEENKA GALMUDUG, ALI DAHIR EID
Ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirka wadatashiga horumarka amniga ee wasaaradaha amniga iyo Talisyadda Booliska labada heer Dowladeed.
1
view
BOOSAASO | Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Boosoaso ayaa aragtidooda ka dhiibtay
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Boosoaso ayaa aragtidooda ka dhiibtay Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay kama danbaysta isku arkayaan labada Iskuul ee Boosaaso Public School iyo Maxamed Cawaale Secondary School-Boosaaso
1
view
TAAGEER TABABARKA XILDHIBAANADA & SENATARADA DAWLADDA FEDERAALKA SOMAALIYA
Baaq Waxtar Degdeg ah: Taageer Tababarka Xildhibaanada & Senatarada Dawladda Federaalka Soomaaliya
Xildhibaanada Soomaaliyeed garab bay naga rabaan. Aqoon kororsi bay rabaan. Waajibkooda oo ay fahmaan bay rabaan. Xukun-wanaagga oo ay hoggaan u noqdaan bay rabaan. Nagu soo biir oo qayb ka noqo hadafkan oo ah awoodsiinta xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed si ay u siyaadsadaan aqoonta xirfadaha lagama maarmaanka u ah xukun-wanaagga, sida sharcidajinta, caddaaladda, sharci ilaalinta, xuquuqda aadanaha, iyo laxisaabtanka xukuumadda.
Taageeradaada, garab-istaagaaga iyo deeqda aad nagu taageerto waxa ay suurtagalineysaa madaxbannaanida Xildhibaanada iyo Senatarada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay si hufan ugu adeegaan shacabka ay matalaan.
Nagu garabistaag deeq, ha ahaato $1, $5, $10, $50, $100, ama hadba wixii aad awooddo.
Golaha Shacabka iyo Golaha
Aqalka Sare ee Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya
Xildhibaanada ugu horeeyey baa u
baxay Waddanka Netherlands oo ay ku
soo baran doonaan Sharci Dejinta,
Cadaalada, Isla Xisaabtan ka,
Daahfurnaanta, iyo Xuquuqda
Shacabka.
Ka qaybqaado oo taageer sidii Xildhibaanada Soomaaliyeed u noqon lahaayeen kuwo si dhab ah u matala shacabka Soomaaliyeed. Nagu garag-istaag hadba wixii aad awooddo oo booqo goobaha deeq arurinta ee hoose:
https://gofund.me/3482f85a
Farriintaan waxaa idiin soo gudbinaya Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo matala gobolka Awdal iyo degmada Gebileh iyo hay'dda Horn and East Africa Parliamentary Institute (HAEAPI) | https://haeapi.org/
> Daljir Media
3
views
SAHANKA DALJIR, DDS | FEERACAD-DHAQAYABOOR
Waa Q6aad ee Sahanka Daljir ee balliga Feeracad illaa magalada Dhaqayaboor| Qaybtan waxaan ku eegi doonnaa taariikhda tuulada Laan Wilif, tariikhda tuulada Dhagax Jab | Waxaa intaas sii dheer baadigoobka xoolaha
1
view
WARAYSI KAMAAL BASHIIR, GUDDOOMIYAHA DHALLINYARADA QURBAJOOGTA QAARADDA YURUB EE BEESHA GADABUURSI
Gobolka cusub ee la sheegay in Gabiley xaruntiisu noqoneyso wuxuu halis weyn galinayaa aayaha dadka reer Awdal, kaas oo lala rabo in badda gobolka Awlad la sooraaciyo Gabiley. Muhiimadda badeynta Gabiley ayaa lagu macneynayaa in ay la xiriirto badda uu Muuse Biixi rabo in uu Itoobiya ku wareejiyo.
Kamaal Bashir ayaa Daljir u sheegay in reer Awdal aysan ku baraarugsaneyn khataraha soo fooleh.
4
views
SAHANKA DALJIR & DDS | QALOOCAN
Waa Q5aad ee Sahanka Daljir iyo magalada QALLOOCAN | Qaybtan waxaan ku eegi doonnaa taariikhda magaalada Qalloocan iyo waxbarashada magaalada, siiba dugsiga sare ee Qalloocan | Waxaa intaas sii dheer cabashada bulsho ee biyo la'aan iyo fiiro la'aan
2
views
ARDAA B9 | GABADHA OO QAANGAARIN IN GUURKA LAGU QASBO WAXAY SABAB UNOQOTAA FURNIINKA
In gabadha mustaqbalkeedu xumaado oo caafimaad daro lasoo daristo nolosheeda waxaa sabab u ah dhaqamada xunxun sida gudniinta oo kale ee waxaa waajib ah in bulshada wacyigalin joogto ah lasiiyo
> Fikirkaaga ka dhiibo doorka weyn ee bulsheed ee haweenka
3
views
QUUDINTA BUKAANKA IYO NAFAQADA
Bukaanka waa in lasiiyaa cunnooyin nafaqo leh iyo Cabitaan faro badan
4
views
RIYADII RUMOWDEY EE DEKEDDA GARACAD | SIDA LOO DHISAY IYO QAYBAHA AY KA KOOBANTAHAY
Waa Qaybtii 8aad ee Barnaamijka Riyadii Rumowdey ee Dekadda Garacad | Engnerka dhismaha Dekadda Ismaaciil Cali Halable ayaa uwaramay | Wariye Jamarti
5
views
SIYAASI SIIDOW MACALIN SIIDOW
"Baasaboorkii Diblomaasiga ahaa waa micna beelay," qofkasta oo aan xitaa dowlada ushaqeyn ayaa wata," Wasaarada Arimaha Dibadda shaqadeeda uma madax banaana.
5
views
DAARIMI | TULI GUULEED | DDS
Bilicda Buuraha Santarka Daarimi ee Degmada Tuli Guuleed, Gobolka Faafan, DDS
17
views
BAYDHABO, AQOONYAHAN CABDILAAHI XAAMUD MAXAMED
Baydhabo: Aqoonyahan Cabdilaahi Xaamuud Maxamed, Arimaha Siyaasada ee Koonfur Galbeed, Saamaynta Dawlada Federalka ee Baydhabo iyo Walaaca ay qabaan mucaaradka Koonfur Galbeed ayuu Daljir uga waramay.
9
views
BARNAAMIJKA GANCASIGE EE RADIO DALJIR
Gudoomiyaha ganacsatada koonkur galbeed Axmed Maxamed Shiikh ayaa todobaadkan ku cusuman | Waraysi Wariye Hothan Abdirizak
9
views
SAHANKA DALJIR & DEGMADA UFEYN GOBOLKA BARI
Q1aad | Taariikhda Degmada Ufeyn, gabaygii laga tiriyey markey degmo noqotay, sheekooyinka isha biyaha dabiicigaa ee buuraha ka soo burqada, caqabadaha iyo halka ay marayaan biya-galinta degmada Ufeyn | Waa tabintii iyo curuntii Najiib Xassan Fanax
5
views