MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH

6 months ago
6

MADAXWEYNIHII MUSUQA: TAXANAHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO MUSUQMAASUQIISII MEEL KASTA GAARAY - Q3aad

Waa Qaybtii 3aad ee Madaxweynihii Musuqa. Qaybtii 2aad ee hore waxaad ku maqasheen faahfaahin kooban oo ku saabsan musuqa xad dhaafka ah ee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo shaqaaleysiinta qaraabadiisa, siiba adeerkiis iyo dumaashidiis iyo qaraabo kale oo aan wax khibrad ah u lahayn shaqooyinka loo igmaday

Qaybtan 3aad ee Madaxweynihii Musuqa waxaan faahfaahin dheeraad ah daaha kaga rogeynaa musuqa xargaha goostay ee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Maareeyaha Guud ee Bangiga iyo war la’aanta ama ka raali ahaanshaha Villa Somalia.

Kalkan Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib waxa uu faahfaahinayaa sida bareerta ah ee maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya ay ugu tagrifalaan xoolaha ummadda. Ku takrifalada Xildhibaan Abiib uu faahfaahiyey waxaa ugu horreeya Hanti-dhowrka oo shaqadii loo igmaday ka doortay laaluush qaadasho iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo si bareera ugu sheegay hantidhowrka in aan loo baahneyn in la baaro xisaabaadka Bangiga Dhexe. Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu diiday in uu soo hor fariisto Guddiga Maaliyadda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya isagoo aaminsan in uu sharciga ka sarreeyo, baarlamaankuna uusan lahayn awood uu Bangiga Dhexe ku baaro.

Loading comments...