Premium Only Content

BARNAAMIJKA WAXBARASHADA SOOMAALIYA (GPE) OO QARKA U SAARAN FASHIL
BARNAAMIJKA WAXBARASHADA SOOMAALIYA (GPE) OO QARKA U SAARAN FASHIL IYO MUSUQMAASUQ XAD DHAAF AH OO KU GADAAMAN
Iyadoo waayahaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ay hareereeyeen xaalado musuqmaasuq iyo wax-is-dabamarim aan dhammaad lahayn oo aan horena loo arag, ayaa haatanna waxaa soo ifbaxaya qorshe musuqmaasuq oo ka biloowday Wasaaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir, ahna saaxiib dhow oo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Waxaa isa soo taraya eedaha ka dhanka Wasiir Faarax Sheekh Cabdiqaadir asaga oo lagu eedaynayo in uu falayo jid uu ku lunsado lacago ka badan 20 Milyan oo Doollarka Mareykanka ahna deeqaha waxbarashada Soomaaliya.
Warqad uu Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib u diray deeq-bixiyayaasha caalamka ayuu Xildhibaanku ku muujiyey walaaca uu ka qabo tallaabooyinka uu Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Faarax Sheekh Cabdiqaadir uu qaadayo asaga oo oggolaansho buuxa ka haysta Madaxweynaha uuna rabo in uu musuqo dhaqaalaha loogu talagalay Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka waxbarshada oo kamid ah mulkiilayaal uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku jiro ee iska leh Jaamacadda Siimaad iyo Jaamacado kale oo ay si gaar ah u leeyihiin iyo waliba dugsiyo hoose/dhexe iyo kuwo sare oo gaar loo leeyahay oo dhammaantood ku yaala Muqdisho ayaa walaac laga qabaa hab maamulkooda lacagaha deeqda waxbarashada Soomaaliya.
Wasiir Faarax Cabdiqaadir oo ka cararaya isla xisaabtan iyo daahfurnaan ayaa wata qorshe ah in wasaaradaha waxbarashada maamulada aysan wax lug ah ku yeelan maamulka deeqaha waxbarashada oo deequhu ay noqdaan kuwa si toos ah, xisaab laa'aan, asaga u hoosyimaada ayna maamusho wasaaradda waxbarashada ee dowladda Federaalka.
Dawladaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ayaa ku eedeeynaya Wasiir Faarax Cabdiqaadir in uu dantiisa ganacsi ee waxbarashada gaarka loo leeyahay uu ka hormarinayo waxbarashada maamulada, taasina ay abuurayso khatar weyn oo wiiqda hirgelinta dadaalada waxbarasho ee loogu talagalay maamulada Soomaaliya.
Tan iyo markii Puntland ay kala laabatay aqoonsigii dowladda Federaalka iyadoo ka jawaabeysa wax ka badalka dastuurka ee aan waafaqsaneyn dastuurka dalka,
Xildhibaan Abiib waxa uu daaha ka rogay qorshaha Wasiir Faarax Cabdiqaadir kaas oo ayal kamid ayahd cadaadis la saaray Wasiir Mustaf Axmed Idow, Wasiirka Waxbarashada ee maamulka Koonfur Galbeed in uu saxiixo in uu raalli ka yahay in Wasiir Faarax Cabduqaadir la wareego maamulka lacagaha waxbarashada Soomaaliya. laakiin Wasiir Idow oo kahoryimid qorshaha Wasiir Faarax Cabduqaadir waxaa loo soo maray Madaxweyne Laftagareen, laguna amray in uu shaqada ka fariisiyo Wasiir Idow. Waqti yar kabacdi, Laftagareen oo laga ballanqaaday in laga caawinayo doorashooyinka waxaa uu sameeyey isku shaandheyn waxaana Wasiir Iidow isla markiiba loo badalay Wasaaradda Beeraha.
Xil ka qaadista Wasiir Idow ayaa timid kadib markii uu ka biyo diiday dalabkii Wasiir Faarax Cabduqaadir uu ka dalbaday Wasiirka in uu iska dhaafo sharciga Federaalka, isla markaana uu saxiixo in dhammaan dhaqaalaha waxbarashada Soomaaliya uu hoos yimaado Wasiir Faarax.
Cadaadiskaas mid la mid ah ayaa hadda lagu hayaa Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor si uu xilka uga qaado Wasiir Maxamed Xaashi Dhoore oo ah Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo ku adkeysanaya isla xisaabtanka iyo meelmarinta hannaanka Federaalka si maamulka Galmudug looga hirgeliyo nidaam waxbarasho oo u cuntama dadka reer Galmudug.
Wasiir Seeraar oo ah Wasiirka Waxbarashada Jubaland ayaa sidoo kalena asna waxaa haatan saaran cadaadis ka imaanaya Villa Somalia.
Cadaadiska daran ee Villa Somalia ku hayso maamulada dartood ayaa Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka waxa ay dhammaadkii bishii Maarso ee sannadkii hore qoraal u direen Xoghaynta Barnaamijka GPE. Waxayna qoreen qoraal muujinaya walaacdooda maamulka deeqaha Waxbarashada (GPE) ee hab maamulka Wasaaradda Waxbarashada Federaalka.
Waraaqda oo si wadajir ah ay maamuladu u qoreen waxay ku sheegeen, "In kasta oo aan dadaal wadajir ah u galnay la-shaqeynta Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (XFS), waxaan la kulanay caqabado waaweyn oo aan kala kulanay mas’uuliyiints DFS ee hab maamulka qorshaha GPE. Ma jiro wax caddayn ah oo muujineysa qaybsiga qoondada deeqaha iyo hannaanka hirgelinta habka waxbarasho ee maamulada."
-
2:09:17
Side Scrollers Podcast
23 hours agoKirsche & Leaflit on HIT LIST + Nintendo RUINS Mario Kart + More | Side Scrollers Live
38.5K8 -
14:17
GritsGG
1 day agoCopy Our Strategy We Use to Win & Instantly Improve!
41.3K3 -
6:08:23
The Pascal Show
23 hours ago $10.27 earnedDIDDY TRIAL LIVE! HERE WE GO! Feds Begin Closing Arguments Trial Day 31 & MORE
40.9K3 -
3:24:49
GamerGril
11 hours agoTGI-FrightDay | A Gril Among Us
48.7K14 -
1:19:26
Man in America
18 hours agoIs MAHA Pushing the WEF’s Wearable Agenda? w/ Dr. Ealy
143K123 -
8:35:28
SpartakusLIVE
17 hours agoNEW Loadouts have DROPPED from ADVANCEDgg || !advanced
97.5K4 -
30:28
Solar Groove Muzic
1 day ago $10.66 earnedAFRO HOUSE MIX 2025 | The Best of Afro House Music
65.7K5 -
41:00
The Finance Hub
1 day ago $9.56 earnedI CAN'T BELIEVE WHAT JUST HAPPENED TO SEN. ADAM SCHIFF!
36.9K37 -
3:52:16
SynthTrax & DJ Cheezus Livestreams
1 day agoFriday Night Synthwave 80s 90s Electronica and more DJ MIX Livestream HEATWAVE Edition
62.2K19 -
2:46:07
I_Came_With_Fire_Podcast
19 hours agoCHINA TRADE | RUBIO VISA | SENATE SECRETS | DEPORT BAN
59.6K11