Premium Only Content

NORWAY, IRELAND IYO SPAIN OO FALASTIIN DAL IYO DOWLAD U AQOONSADAY
Dawladaha Norway, Ireland, iyo Spain ayaa maanta qaaday tallaabo taariikhi ah ayaga oo go’aan ku gaaray inay Falastiin si rasmi ah ugu aqoonsadaan dowlad.
Laga bilaabo maanta, Dawladda Falastiin waxaa aqoonsan 146 dal oo kamid ah 193-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan saddexdaan waddan ee Yurub ee maanta Falastiin Aqoonsaday.
Ruushka iyo Shiinaha oo ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ayagu Falastiin u aqoonsan dawlad.
Dhanka Midowga Yurub, Falastiin waxaa aqoonsan Bulgaria, Hungary, Qubrus, Malta, Poland, Romania, Slovakia, Czech Republic, Sweden, iyo hadda Norway, Ireland, iyo Spain.
Inta badan wadamada Yurub ayaa xiriir diblumaasiyadeed la leh Falastiin balse uma aqoonsana dowlad ahaan.
Falastiin illaa iyo hadda ma lahan xubinnimo buuxda oo Qaramada Midoobay maxaa yeelay weli ma ay helin aqoonsiga saddex xubnood oo kamid ah Guddiga Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Hawlgalka Dawladda Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa soo saartay qoraallo loogu mahadnaqayo dawladaha iyo shacabka Norway, Spain iyo Ireland saaxiibtinimadooda taariikhiga ah, sida ay uga go'an tahay caddaaladda iyo xorriyadda, iyo xoojinta aqoonsiga, aayo-ka-tashiga iyo madax-bannaanida Falastiin.
Ergada Falastiin ee Qaramada Midoobay waxay qoraalkooda ku soo gunaanadeen "Maanta, rajada Falastiin waa soo cusboonaatay, berrina waxaa soo dhawaanaya nabadda."
Dhanka kale, halganka loogu jiro dowladnimada Falastiin ayaa weli ka socda Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoo dhawaan la filayo in cod-qaad xubinimo buuxda uu ka dhaco Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo dhanyahay.
-
LIVE
Akademiks
4 hours agoWAR IN ATLANTA Episode 5. YOUNG THUG FIRST INTERVIEW about SNITCHING, GUNNA... BREAKS DOWN CRYING!
12,910 watching -
SpartakusLIVE
7 hours agoVerdansk Duos w/ Nicky || Saturday Spartoons - Variety Later?!
44.3K -
Badlands Media
21 hours agoDevolution Power Hour Ep. 387
59.9K7 -
1:05:23
Man in America
11 hours agoSoaring Gold Exposes the Imminent Crash of the Old System w/ John Perez
30.8K4 -
LIVE
TruthStream with Joe and Scott
11 hours agoTHOMAS AND GROK: AI, Bible decodes, The JESUS Cube live 9/6: 7pm pacific 10 pm Eastern
466 watching -
LIVE
BlackDiamondGunsandGear
6 hours agoGet Prepped / After Hours Armory / LIVE SHOW /
68 watching -
Tundra Tactical
4 hours ago $2.93 earned🛑LIVE NOW!! This spits in the face of the Second Amendment.🛑
15.8K -
LIVE
DLDAfterDark
3 hours ago $0.62 earnedIt's SHTF! Do You Have What You Need?? Let's Review Items & Priorities
140 watching -
28:58
Stephen Gardner
4 hours ago🚨Explosive allegations: Rosie O’Donnell connects Trump to Epstein scandal!?
20K45 -
LIVE
SavageJayGatsby
1 day agoSpicy Saturday | Let's Play: Grounded
441 watching