Premium Only Content

MUUSE BIIXI OO TAAGEERO KA HELAY ABIY AXMED AMREYNA WEERAR KA DHAN AH KHAATUMO
Laga soo bilaabo jabkii foosha xumaa ee Somaliland ay kala kulantay SSC-Khaatumo 25 August 2023, Muse Biihi waxa uu ku guda jiray hawlgal 9 bilood ah oo uu rabo in uu kaga aargoosto SSC, ku soo furto maxaabiis ka badan 600, oo uu hadana kaaga daran e uu rabo in uu mar kale la wareego magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool.
Siddeeddii bilood ee la soo dhaafay Muuse iyo Hoggaanka Ciidankiisu waxa ay wadeen dib u dhis iyo qalabayn ciidan iyagoo sidoo kale hubaynaya maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah, gaar ahaan Maleeshiyo beeleedka Habarjeclo, kuwaas oo u suurtagashay in Ciidanka Difaaca SSC-Khaatumo mashquuliyaan, si ay dhiirigelin ciidan ugu noqoto, qabiiladuna ay dagaal u sii diyaargaroobaan.
Iyadoo la wada ogyahay in Muuse Biixi uu dagaalkii Laascaanood ku waayey inta badan Taangiyadiisii iyo qoryijii cuslaa, ayaa haddana Daljir waxay ogaatay in Itoobiya ay siisay saddex taangi, ayna u dayactirtay ugu yaraan toddobo taanki oo kale oo aan awal shaqaynayn oo kala aha taangiyada T-54 iyo T-55 ama taangiyp lamid ah kuwa xilligii Sovietka. Itoobiyaanku Waxa kale oo ay ciidanka Muuse siiyeen rasaasta taangiyada, kuwa madaafiicda iyo inta badan rasaasta qoryaha culus.
Iyada oo dhammaan saraakiishii farsamayaqaanada Somaliland ee taangiyada, madaafiicda iyo kuwa hubka culus maxaabiis ahaan loogu haysto Laascaanood, ayaa Itoobiya waxay Muuse u tababartay farsamoyaqaanno iyo hawl-wadeenno cusub oo hubka culus.
Sida Abiy hore u shaaciyey, Itoobiya waxaa ka go'an inay la wareegto lahaanshaha xeebta Saylac sida Muuse lagula heshiiyey 1-dii Janaayo 2024 Heshiiskii Is-afgaradka ayaa sidoo kale Muuse ay ka go'antahay inuu asna la wareego lahaanshaha Laascaanood iyo gobolka Sool.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad uga liidato sideedii hore, meesha SSC-Khaatumo ay hormar baaxad weyn ka samaysay dhan kasta, siiba dhanka ciidamada iyo hubka
Itoobiya oo badi siyaadeeda ku salaysa waqtiga fog, si ay istaraataji ahaan uga faaiido, hadana waa mid door bideysa iyo waqti xaadirka SSC-Khaatumo laga adkaado, haddana su’aasha dad badani is weydiinayaan ayaa ah “Itoobiya aad ma ugu dhiirantahay qorshaha Muuse Biixi iyo mashruuca Somaliland?
Sida aan ka soo xiganay khubaro juquraafi-siyaasadeed oo Daljir la xidhiidhay, Itoobiya waxaa aad uga go’an inay Somaliland guulaysato; Mana aha Itoobiya oo keliya cidda ay ka go’an tahay in ay ku guulaysato mashruuca Somaliland ee hadda fashilmay, balse waa mashruuc qoto dheer oo ay wataan waddamo g
dano gaar ah ka leh Badda Cas iyo Bab el-Mandeb oo ay ka mid yihiin Israa’iil, Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska oo ay ka go’an tahay in la kala Jaro dalka Soomaaliya si ay u hantaan xeebaha istaraatiijiga ah ee badda cas ee Soomaaliya.
Haatana xaalka Sool iyo Togdheer waa mid u muuqda in Daqiiqad kasta ay Somaliland weerar ku soo qaado Khaatumo, waxaana ay Daljir heshay xogo lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Muuse Biixi uu ku xisaabtamayo weerar kedis ah oo ay wada qaadaan ciidankiisa iyo kan maleeshiyo beeleedku. Ciidamada ayaa la filayaa ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadaan Buuhoodle iyo Oog illaa Laascaanood, meesha la filayo in maleeshiyo beeleedku ay weerar kadis ku qaadaan tuulooyinka aan difaaca lahayn.
Haddaba suaashu waxay tahay
SSC-Khaatumo diyaar ma u tahay duullaan kedis ah oo Somaliland soo qaado? Su’aashaas ayaan waydiinay saraakiisha ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, waxayna Daljir u sheegeen in ciidamada difaaca SSC ay ku jiraan heegan sare, laga soo bilaabo Buqdhaarkeyn ilaa aaga Oog, balse waxay diideen inay shaaciyaan xog intaas ka badan.
-
LIVE
Grant Stinchfield
56 minutes agoThe Dark Side of Organ Donation & Hillary’s Hidden Seditious Sedation
167 watching -
1:03:59
The Rubin Report
1 hour agoPress Stunned by Tulsi Gabbard’s Scathing Remarks During Her Shock Announcement
5.43K19 -
LIVE
The Shannon Joy Show
2 hours ago🔥🔥While Headlines Scream About Epstein, Obama, Hillary Scandals - Trump’s Digital Leviathan Is Unleashed With The BBB, AI.GOV & Three New Executive Orders🔥🔥
210 watching -
1:00:02
VINCE
3 hours agoAre The Walls Closing In On Obama? (w/ Victor Davis Hanson) | Episode 92 - 07/24/25
154K124 -
LIVE
LFA TV
15 hours agoLFA TV ALL DAY STREAM - THURSDAY 7/24/25
4,818 watching -
DVR
Bannons War Room
5 months agoWarRoom Live
29.6M7.32K -
1:09:28
The Big Migâ„¢
4 hours agoBarack Obama Goes To GITMO
6.2K13 -
2:03:11
Badlands Media
9 hours agoBadlands Daily: July 24, 2025
52K6 -
1:09:41
Dear America
4 hours agoBOMBSHELL!! Hillary Was on Tranquilizers!! AND The Clintons Are Being Subpoenaed Over Epstein!!
129K82 -
1:50:48
Benny Johnson
2 hours ago🚨US House Votes to SUBPOENA Bill and Hillary Clinton Over Epstein | DOJ Meeting Maxwell Right NOW
34.5K23